daajis.com:- Shirkada Nokia ayaa maanta bilowday iney dib u soo saarto Telefoonka 3310 oo 17 sano ka maqnaa suuqa ka dib markii la soo saaray noocyo kale oo casri ah.
Dad badan waxay u arkaan inuu ahaa telefoon aad u wanaagsan oo adkeysi leh, in ka badan 126 milyan oo xabo ayaa la iibiyay ka hor sanadkii 2005-tii.
Telefoonka Nokia 3310 oo la soo casriyeeyay iyo noocyo kale oo ku shaqeynaya Android ayaa suuqa mar kale dib loogu bilaabay.
Mid ka mid ah Khubarada wuxuu sheegay inay ahayd hab cajiib ah in Nokia dib loo casriyeeyo mar kalena suuqa lagu arko.
"Nokia 3310 waa markii ugu horeysay ee suuq ballaaran uu helo, waxaana jirto tiro cusub iyo Jaceyl loo hayo telefoonka", ayuu yiri Ben Wood oo ka mid ah shirkad qaabilsan la talinta dhinaca tiknolojiyadda ee CCS.



Waxaa sidoo kale munaasabad ka dhacday Barcelona lagu shaaciyay telefoono, iyadoo shirkadaha LG, Huawei iyo Lenovo ay dhankooda xafladda ku soo bandhigen qalab cusub oo ay soo saareen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at