DAAWO XOG CUSUB: Malxiisadii ninka noqotay oo la shaaciyey Halka ay kasoo jeedo

DAAWO XOG CUSUB: Malxiisadii ninka noqotay oo la shaaciyey Halka ay kasoo jeedo

daajis.com:- Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in nin iska dhigay gabar malxiisad oo kiis la yaab leh ka dhigay magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo baxaya faahfaahin dheeraad ah.

Gabadhan ninka isu bedeshay oo magacii ay malxiisada ku ahayd uu ahaa ASMA CODEY, ayaa magaca ninka rasmiga ah uu yahay C/raxmaan, waxaana uu hadda ku xiran yahay magaalada Hargeysa o dacwad lagu soo oogi doono.

Kiiskan oo fajac ku noqday bulshada Soomaalida iyo dadka Hargeysa ayaa yimid kadib markii qoys 21 maalmood is qabay ay kasoo shaac baxday in gabadha la joogtay aroosada ay ahayd nin iska dhigay gabar, isagoo guri ku yaala xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kula noolaa qoyska cusub.

Saxaafadda Hargeysa qaarkeed ayaa sheegtay in ninkan uu kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii xukun lagu ridana loo masaafurin doono magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada