Daawo: RW. Khayre oo ku dhowaaqay Dagaalka Musuq-maasuqa, Kadibna Gudaha u galay Dekedda Muqdisho

Daawo: RW. Khayre oo ku dhowaaqay Dagaalka Musuq-maasuqa, Kadibna Gudaha u galay Dekedda Muqdisho

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka, waxaana kulanka looga hadlay wada shaqayn dhex marta Dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.


Mr Kheyre, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana Xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee had iyo jeer soo noq-noqda, Wuxuuna Balanqaadyo u sameeyay Haweenka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wuxuu Booqday Dekeda magaalada Muqdisho, isagoo u kuur galay Sida ay u socdaan howlaha Dekedda magaalada Muqdisho, Wuxuuna Balanqaaday inay dagaal adag la geli doonaan Musuq-maasuqa, Waxayna qayb ka tahay isla Xisaabtanka uu ku dhowaaqay R/wasaare Khayre.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada