daajis.com:-Sharciga cusub EXECUTIVE ORDER ee uu saxiixay 6.3.2017 saxiixay madaxweynaha Dalka Mareykanka,waxaa ku cusub waxyaabaha hoos ku qoran:
Laga bilaabo 16 MAARSO 2017 waxaa la mamnuucay 4 bilood QAXOOTI walba oo u dhashay wadamada – SOMALIYA – SUDAN – LIBYA – YEMEN – IRAN iyo SYRIA.
Waxaa kale oo la saxiixay in safarkii dadka caadiga ah ee aan QAXOOTI ahayn ku tegi jireen wadanka MAREYKANAKA la mamnuucay mudo 3 bilood ah,wadamadaas waa: SOMALIYA – SUDAN – LIBYA – YEMEN – IRAN iyo SYRIA.
Waxaa kale oo cusub in QAXOOTIGA la ogolaaday ama APPROVED ay ku sameysay STATE DEPARTMENT loo ogolyahay in ay soo geli karaan wadanka MAREYKANAKA,laakiin sanadkii lagu xadiday ama limit laga dhigay 50.000 qof.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA – GO’AANKA
Dadka u dhashay wadamada aan kor ku soo xusnay ee wata waraaqda degenaanshaha “GREEN CARD” waqtigii ay doonaan ayay ka safri karaan wadanka USA isla markaana ku soo laaban karaan.
Malaga yaabaa in sharcigan cusub maxkamadaha ay faraha la galaan? tabcan Eric Schneiderman oo ah qareenka NEW YORK ayaa balan qaaday in TALAADADA 7.3.2017 uu dacwo cusub oo ka dhan arimahan uu u gudbin doono maxkamada Federaalka ee NEW YORK.
Sharciga sidaan hore u sheegnay waxaa la saxiixay ISNIIN 6.3.2017,laakiin wuxuu dhaqan gelayaa 16.3.2017 si jahawareerkii bishii Janaayo aan u dhicin.
Dadka qaraabadoodu maray DNA iyo WAREYSI wax isbedel ah oo cusub ma jiraan,waxay la mid yihiin dadka 4 bilood la yiri waxba la idima qaban karo.
Dhamaadka asbuuca soo socda aqalka cad ee laga xukumo wadanka USA wuxuu ku dhawaaqi doonaa sharci cusub oo la oran doono “KEEP AMERICA SAFE” oo isbedel aad u weyn ku sameyn doonaa dadka aan u dhalan wadanka Mareykanka iyo muhaajiriinta ka soo jeeda wadamada ay u badan yihiin Muslimiinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:55 and have
, Published at