daajis.com:- Dumarka magaalada Muqdisho ayaa murugo horlehi la soo Deristay, kadib markii Arin Mucjiso ah oo hablaha uun u gaar ah lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Haweenka xaafada Sii Sii ee degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta u sheegay in dhibaato iyo jirdil uu ku hayo nin aan loo jeedin ama aan la ogeyn waxa uu yahay.
Qaar kamid ah haweynka ayaa waxaa ay ku tilmaameen in qofkani uu yahay Jin oo markii uu gabdhaha dhibeeyo ka baxsada goobta uu ku dhibaateeyo dumarkaasi.
Haweenka la weeraray ee la dhaawacay ayaa isugu jira gabdho yar yar iyo hablo waa weyn, waxaana Haweenkani dhamaantoodba laga waxyeeleeyay ama laga weeraray wajiga, Waxaana ay sheegeen in marka ay kali kali u socdaan oo kaliya ay la kulmaan dhibaatada ninkani uu geysto.
Qaarkamid ah haweenkani ayaa sheegay inuu ninkani gafuurka dhagax uga jebiyay, beegsadana oo kaliya wajiga dumarka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at