Daawo Sawirada: Ninkii lagu toogtay Garoonka Diyaaradaha Orly oo la aqoonsaday

Daawo Sawirada: Ninkii lagu toogtay Garoonka Diyaaradaha Orly oo la aqoonsaday

daajis.com:- Baaritaano ay sameeyeen ciidamada booliiska dalka Faransiiska ayaa lagu aqoonsaday ninkii dhawaan lagu dhax dilay garoonka diyaaradaha Orly ee magaalada Paris ,kadib markii uu isku dayay in uu qoray ka dafo askari booliis ah.

Sida booliisku sheegeen ninkan oo ahaa nin muslim ah ayaa isku dayay in uu qoray ka dafo askari booliis ah oo ku sugnaa garoonka , waxa uuna xiligaasi ku qeylinayay in uu doonayo in uu u dhinto ilaah dartiis

Ninkan la toogtay oo 39-sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Ziyed Ben Belgace, waxaana baaritaan ninkan lagu sameeyay jirkiisa laga helay in uu aad u isticmnaalay daroogo iyo kahmri aad u badan sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha magaalada Paris.

Ziyed Ben Belgace ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa la sheegay in natiijada dhiigii laga qaaday laga helay daroogooyinka cocaine iyo cannabis, waxaa sidoo kale dhiiga ninkan laga helay khamri aad u badan.

Dacwad oogaha magaalada Paris, Francois Molin ayaa sheegay in ninkan la toogtay uu horey dambiyo kala duwan usoo galay, waxa uu tilmamay dambiyada ninkan uu horey u galay in ay ku jiraan dhac hub loo adeegsaday iyo daroogo.

Aabaha dhalay Ziyed Ben Belgacem oo la hadlay idaacad kutaala Faransiiska ayaa horey u sheegay in wiilkiisu uusan aheyn xagjir, waxa uuna xusay in wiilkiisa uusan aheyn nin diinta ku fiican balse uu ahaa nin khamriga caba sidoo kale salaada aan dukan.
Dalka Faransiiska waxaa horey uga dhacay weeraro dad badan lagu dilay ay geesteen dhalinyaro la sheegay in ay xariir la leeyihiin kooxda Daacish, waxaana Faransiiska wali laga dareemayaa cabsi laga qabo weeraro ay mar kale kooxdaasi ka geesato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada