Sirdoonka Germany oo warbixin kasoo saaray Afganbigii Turkiga & Erdogaan oo ka jawaabay

Sirdoonka Germany oo warbixin kasoo saaray Afganbigii Turkiga & Erdogaan oo ka jawaabay

daajis.com:- Dowlada Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay haddal kasoo yeeray Hay’adda Sirdoonka dalka Germany ee magaceeda loo yaqaan BND.

Warbixinta BND ayaa waxaa lagu eegay Inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii hore ka dhacay wadanka Turkiga.

Warbixintan Sirdoonka Germany ayaa waxaa shaki lagu galiyay Afgembigii fashilay ee Militariga Turkiga isku dayeen, waxaana lagu sheegay warbixintaasi in Afganbiga uusan ka danbeynin Wadaadka la tuhunsan yahay ee lagu magacaabo Gullen oo iminka ku nool dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogaan ayaa Warbixintaasi ku sheegay mid lagu sii shidaayo xiisada u dhexeysa Turkiga iyo Gullen, waxa uuna tilmaamay in Warbixintaasi ay tahay mid muujineysa in Germany ayba si hoose u taageerto Gullen.

Erdogaan waxa uu sheegay in Dowlada Germany ay qeyb ka tahay Dowladaha carqaladeynaaya Amniga iyo Xasiloonida Turkiga waxa uuna wacad ku maray inay meel uga soo hari doonaan faragalinta Germany.
Erdogaan ayaa horay u sheegay in Afganbiga dhicisoobay uu ka danbeeyay Wadaadka Gullen, waxa uuna sheegay inay fududeeyeen Saraakiil lala xariirinayo Gullen oo hada ku sugan Maraykanka.

Dhinaca kale, Warbixinta Sirdoonka Germany ayaa lagu soo beegay xili ay xiisad ka dhex aloosan tahay Dowladaha Turkiga iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo diidan in Xukuumada Turkiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada