daajis.com:- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isagoo xiran dareys milateri Booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ee Soomaaliya, una dhow xadka Kenya, Iyadoona Kenya ay ku tilmaamay mid taariikhi ah, oo madaxwaynuhu ku dhiiri gelinayay ciidamada Kenya ee ka qeyb qaadanaya howl galka AMISOM.
Waxaa uu ku amaanay in ciidanka kenya inay si naf-hurnimo ah u gudanayaan waajibaadkooda, una difaacayaan dalkooda hooyo. “Joogitaankiina Soomaaliya, wuxuu bad baadiyay nafaf badan, dadka kenyan ah waligood way idinku faani doonaan, joogitaankiina halkan waxay ugu yaraan dadka ka qaaday cabsidii Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Ciidamadiisa.
Booqashada Uhuru ee Dhoobley ayaa loo arkaa olole doorasho, maadaama dhowaan uu geli rabo Tartan adag oo ah doorashada madaxtinimada dalkiisa, xilli mucaaradka ay dalbanayaan in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in aanay ka war-qabin socdaalka Qarsoodiga ah ee Madaxweynaha Kenya ku tagay magaalada Dhoobley ee ku taala xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, taasoo ah mid xadgudub heykalka dowladnimo iyo sharciyada socdaalka.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud siyad Aadan oo la hadlay ayaa si Indho-la’aan ah u beeniyay in uu booqasho ku yimid degmada Dhoobley Madaxweynaha dowladda Kenya, isagoo tilmaamay inay muhiim ay tahay inaan Warar been abuur ah laga tabin degaanada maamulka jubbaland.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqdo dalka Kenya, oo aan wali dhaqan gelin heshiiskii saddexda qodob ahaa ee bishii September ee sanadkii 2016 Muqdisho ku kala saxiideen Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at