daajis.com:- Qaraxyadii ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in mid kamid ah lala eegtay gaari uu saarnaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Cumar Ceymooy.
Waxaa Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho u waramay wasiirka oo ka dhawaajiyey hadal midkaas ka duwan.
Wasiirka ayaa sheegay in isaga iyo ilaaladiisa aysanba joogeyn meesha ay wax ka dhaceyn, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyey inuu la yaabay markii ay soo waceyn dad saaxiibadiis ah oo xaaladiisa wareysanayey.
Wasiirka ayaa sheegay inuu warkaas yahay mid wax kama jiraan ah uusana shaqo ku laheyn gawaariga ku waxyeelowday qaraxii maanta luxay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Wehliye kaasoo uu fuliyey naftii hure ka tirsan AlShabaab.
Wararkii ugu horeeyey ee kasoo baxayey qaraxaan ayaa tilmaamay in qaraxa lala eegtay gaariga uu lahaa wasiirka isla markaasna uu markaas isaga ka maqnaa meesha balse waxaa beeniyey arrintaas wasiirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at