Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeele oo maanta la dhaariyay

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeele oo maanta la dhaariyay

daajis.com:- Golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ka kooban 52 wasiiro,wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeeno  ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabada dhaarta golaha wasiirada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu soo bandhigay qorshaha dowladiisa ee afarta sano ee soo socota.

Hadal gaaban oo uu jeediyay golaha wasiirada ee la dhaariyay ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi waxaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan isla markaana ummadooda ay ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan.

Sidoo kale munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Xildhibaanada la dhaariyay ayaa waxaa ay isugu jiraan 23 wasiir,6 wasiiru dowle iyo 23 wasiir ku xigeen. Golaha wasiirada ayaa 33 ka mid ah waxa laga soo xulay xildhibaanada baarlamaanka halka inta kale aysan ahayn xildhibaano.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada