daajis.com:- Hey’adda Qatar Charity oo ka mid ah hey’yadaha ka howgala dalka Soomaaliya ayaa bulshada oo dhanka samafalka iyo Waxbarashada, dhibaatada abaaraha iyo biyo la,aanta waxaan bilowney howlo deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka ay abaaraha biyo la,aanta ay saameeyeen.
Hey’adda Qatar Charity ayaa Deeq Raashin kala duwan u qaybisey Kun Qoys kuwaa oo ahaa dad baraakacayaal ah oo ku nool Deegaanka Garas Baaley , waxayna Deeqdaas isugu jirtey Bur, Bariis , Sonkor , Timir iyo Caano
Deeqdan oo loogu tala galey in ay qoysaskaas Barkacayaasha ku filnaato Muddo Laba Bilood ah waxaana maanta ka faaiideystey dadka gaaraya 400 oo qoys,waxaana Goobta lagu qaybiyey Deeqdaas ka hadley Madax Xafiiska
Hey’adda Qatar Charity Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali waxaana uu sheegey in Deeqdaan aysan ahayn Tii ugu Horeysey Hadii alla Idmo iyo Midii ugu dambeysey
“Waxaan Deeqo hore u gaarsiiney Soomaaliland , Pundland , Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Dadkii ka soo barakacay Gobolada ugu dhow ee abaartu saameysey “ ayuu Yiri Madaxa Hayadda Qatar Charity isagoo sii hadlaya waxaa uu yiri
“Waxaan Maalin dhaweyd gaarsiiney 14 Kun oo Qoys Lacago Deeq ah waxaana meesha ka marneyn in Gobolada qaar aan ka wadno howlo biya dhaamin ah si loogu badbaadiyo dadka iyo Duunyada sidoo kale waxaan gacan ka geysaney in Hayadda Qatar Charity ay gaarsiiso dadka uu soo ritey Shuban Biyoodka Daawooyin loogu gargaarayo”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xasan Jimcaale Madaale ayaa u mahadceliyey Hey’adda Qatar Charity iyo Shacabka dalka Qatar sida ay mar waliba u garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee Walaalahooda ah waxaana Goob joog ka ahaa deeqdaas qaybinteeda Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Binu Xamza.

Hey’adda Qatar Charity Soomaaliya ayaa waxay dalka Soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007, waxayna ay qabatay howlo la taaban karo waxaana laga xusi karaa Waxbarashada , Daryeelka agoonta, Qoysaska Danyarta ee ay kafaala qaado iyo ka qeyb qaadashada ama u gurmashada xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:05 and have
, Published at