MUUQAAL: Heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Kenya iyo Duulimaadka Tooska ah ee MUQDISHO iyo NAIROBI

MUUQAAL: Heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Kenya iyo Duulimaadka Tooska ah ee MUQDISHO iyo NAIROBI

daajis.com:- Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Nairobi, kaddib kulan labo geesood ah oo ay wada yeesheen wafuud ay labada dhinac kala hoggaaminayeen.

Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in Soomaaliya ay tahay dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, isla markaana ay wadaagaan danooyin badan, Waxuuna sheegay inay ka wada hadleen isku raaceen sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen inay isu furaan xuduuda Buulo Xaawo iyo Dhoobley, si ay shacabka labada dal isu kala gooshaan, Sidoo kalana ay  si dhow ay labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah.

Waxaa la sheegay in labo todobaad gudahood ku bilaaban doono duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saareysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer, Sidoo kale  dadka heysta baasaboorada Shaqalaha Dawlada (Servive) iyo Diplomasiiyinta ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaradaha Kenya, halka bedelkii horay loogu soo saari jiray, ka hor inta aysan garoomada diyaaradaha Kenya ka degin.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya,Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay labo dal oo iskaashi  ganacsiga iyo dhaqaalaha leeyihiin, isla markaana ay sameyn doonaan sidii ay xoojin lahaayeen arrimaha gaarka ee labada dal ka dhaxeeya, wuxuuna  soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi,  iyadoo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho ay dhib ku qabaan baaritaanada ay ku maraan magaalada Wajeer.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada