Uhuru iyo Farmaajo oo shaaciyey waqtiga duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi la billaabayo

Uhuru iyo Farmaajo oo shaaciyey waqtiga duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi la billaabayo

daajis.com:- Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si toos ah loo bilaabi doonaa, sid uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay arrintaas isku raaceen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Kenyatta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, ayaa isla gartay in diyaaradaha ka tagaya Muqdisho laga joojiyo inay sii maraan magaalada Wajeer ee dalka Kenya, taas beddelkeedna ay toos u gaaraan Nairobi.

Arrintan ayaa ku dhici doonta laba toddobaad gudahood, sida uu sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxaan madaxweyne kaga mahad-celinayaa ogolaanshahaaga in duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ah lagu billaabi laba toddobaad gudahood” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Arrintan ayaa waxaa horey isugu raacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kenyatta markii uu Muqdisho yimid bishii September ee sanadkii tagay, hase yeeshee waqtigii saddexda bil ee arrintaas loo qabtay kuma aysan dhicin, waxaana hadda kasoo wareegtay lix bilood.

Kenya ayaa sidoo kale ballan qaaday in dhammaan dadka hayska baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ee Kenya imanaya aan looga baahnaan doonin wax Visa ah.

Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in la furi doono xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaac Dhoobley oo muddo xiran.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada