Wasiir katirsanaa Xukumadii Cumar Cabdi oo fashiliyay Sababta ay Wasiirada Cusub kaga fiican yihiin kuwii hore!!

Wasiir katirsanaa Xukumadii Cumar Cabdi oo fashiliyay Sababta ay Wasiirada Cusub kaga fiican yihiin kuwii hore!!

daajis.com:- Mid kamid ah Wasiiradii ugu awooda badnaa xukumadii RW Cumar Cabdi Rashiid ayaa amaan balaaran ujeediyay wasiirada cusub ee uu soo dhisay RW Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkii arimaha dibadda xukumadii waqtigeedu dhamaaday Cabdi Salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in xukumadda cusub ay tahay mid tayo wanaagsan leh, isagoo sheegay in xukumada isaga uu katirsan yahay ee waqtigeedu dhamaaday aysan laheyn  siyaasad fog.

Mudane Hadliye ayaa sheegay in RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ay wasiiro ka dhigeen dad uqalmo xilalkaas, laakiin xukumadii ka horeysay ay ubadnaayeen kuwa aanan laheyn awooda shaqada loo dhiibay.


Siihayaha Wasiirka Dibadda Hadliye

“Xukumadda cusub waxaa ay leedahay qibrad iyo aragti siyaasadeed oo fog waana kuwo tayadoodu wanaagsan tahay”Hadliye ayaa sidaas yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sii hayaha wasiirka arimaha dibadda sheegay inuu ku faraxsan yahay doorka ay haweenka ku leeyihiin xukumadda cusub.

Mr Hadliye ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya iney codka kalsoonida siiyaan xukumadda cusub, halka uu sidoo kale wasiirada cusub usheegay in arimo badan ay horyaalaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada