Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay (Sawirro)

Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay (Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Nairobi, kaddib kulan labo geesood ah oo ay wada yeesheen wafuud ay labada dhinac kala hoggaaminayeen.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, isla markaana ay wadaagaan danooyin badan.

Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen isku raaceen sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen inay isu furaan xuduuda Buulo Xaawo iyo Dhoobley, si ay shacabka labada dal isu kala gooshaan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay si dhow ay labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah,

Waxaa uu sheegay in labo todobaad gudahood ku bilaaban doono duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saareysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka heysta baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaradaha Kenya, halka bedelkii horay loogu soo saari jiray, ka hor inta aysan garoomada diyaaradaha Kenya ka degin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.
Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay labo dal oo iskaashi  ganacsiga iyo dhaqaalaha leeyihiin, isla markaana ay sameyn doonaan sidii ay xoojin lahaayeen arrimaha gaarka ee labada dal ka dhaxeeya.

Waxaa uu soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasoo qeyb ka ahaa heshiis horay dowladdii horay ula saxiixatay dowladda Kenya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho ay dhib ku qabaan baaritaanada ay ku maraan magaalada Wajeer.

Ugu dambeyn Labada Madaxweyne ayaa sheegay in wada hadaladooda labo geesoodka ahaa uu ku soo dhamaaday si guul ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada