MUUQAAL: MD. Farmaajo oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada Kenya iyo Hubkii loo Riday

MUUQAAL: MD. Farmaajo oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada Kenya iyo Hubkii loo Riday

daajis.com:-  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay iyadoo ay salaan ka qaateen cutubto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.


Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan albaabada u xiran yeeshay, waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, iyadoo si wada jir ah u qaban doona shir jaraa’id.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho uga bilaabatay dalka kenya, waxaana uu 25-ka bishan uu kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada