MUUQAAL: Ra,iisul Wasaaraha Somalia oo maanta Waddo Muhiim ah Xadhiga ka jaray iyo Khudbad Taariikhda gashay (Saawiro)

MUUQAAL: Ra,iisul Wasaaraha Somalia oo maanta Waddo Muhiim ah Xadhiga ka jaray iyo Khudbad Taariikhda gashay (Saawiro)

daajis.com:- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray Wado laami ah oo xariirisa Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdi Casiis oo dib u dhis lagu sameeyay laami Cusubna la saaray.

Wadadan Maanta xariga ka jaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in dib u dhiskeeda ka qeyb qaateen Ganacsato Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana wadan hada dib loo dhisay horey u aheed mid bur bursan.


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magaca ka badalay wadadan cusub ee dib u dhiska lagu sameeyay oo horey loo oran jiray Bandar qaasim, waxaana wadadaan hada loo bixiyay magac cusub oo ah Kadare.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu sameeyay dib u dhis , waxaana la saaray laamiyo cusub oo qeyb weyn ka qaatay bilic soo celinta Caasimada, waxaana wali harsan oon laami la saarin Wadada 30-ka iyo Wadooyin kale oo kuyaala Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada