Muxuu ballan-qaadkii uu Uhuru siiyey Farmaajo kaga duwan yahay kii Xasan Sheekh?

Muxuu ballan-qaadkii uu Uhuru siiyey Farmaajo kaga duwan yahay kii Xasan Sheekh?

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay heshiis taariikhi ah ku gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla gaaray heshiis ka kooban qodobo badan, waxaana heshiiskaas ugu muhiimsanaa in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi lana joojiye dhibaatada Soomaaliya ka heysto Wajeer.

Sidoo kale Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyey in 30 Maalin gudahood lagu furo xuduudda labada dowladood oo ay horey u xirtay Dowladda Kenya Kadib Markii ay ka cabsatay awoodda Al-Shabaab, wuxuuna ugu muhiimsanaa qodobadii lagu heshiiyey kuwa hoos ku qoran:

In Duulimaadka lagu baarayo Wajer la joojiyo, oo diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay toos u tagaan Nairobi. labo todobaad gudahood.
In la furo isu socodka iyo ganacsiga xadka, gaar ahaan Dhoobley iyo Buulo-xaawo.

  • In diblomaasiyiinta labad dhinac aan laga qaadin wax fiiso ah.
  • In la howlgeliyo Joint Commission of Cooperation (JCC)kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.
  • Kenyaanka waxaa ay tababari doonaan 200 macalin, 200 kalkaaliye iyo 100 qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda.
  • Inta heshiiska aanu dhaqangelin, weliba labo todobaad gudahood, waxaa laga doonayaa mas’uuliyiinta labada dal ain ay hubiyaan ammaanka garoomada.
  • Haddaba su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah sidee ayuu Uhuru ku fulin karaa ballanqaadka uu u sameeyey Farmaajo iyadoo la ogyahay inuu horey u qaaday ballanqaadyo badan oo arrintaan ku aadan oo ay ugu dambeysay middii uu Xasan Shiikh Maxamuud ka qaaday.


Heshiiska ku aadan in dib loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Nairobi waxay soo bilaabaty

September 4, 2016-kii,  labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta waxaa ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka. kaas oo saxiixa labada mas’uul ka dib la sheegay in uu shaqeyn doono, 7 bil kadib shirkaas, shalay ayaa lagu celiyay wixii maalintaas la sheegaty.

qaar ka mid ah Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay macquul tahay in Kenya ay ka baxdo heshiiska cusub maadaama ay midkaas oo ay ku saxiixday Muqdisho ka baxday.

Balse 90% waxay u badan tahay inaysan Kenya ka bixin heshiiska sababtoo ah haddii ay heshiiskaan ka baxdo waxaa laga yaabaa inuu sii holco xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana caddeyn u ah inuusan Uhura ka bixi doonin heshiiskaan waqtiga yar ee uu qabsaday maadaama ay tahay 2 asbuuc kuma dhiiran karo inuu heshiiskaan ka baxo.

Uhuru Kenyatta ayaa markaan isku dayayo inuu siyaasad furfurnaan ah la bilaabo dowladda Farmaajo inkastoo dhawr jeer lagu eedeeyey inuusan si fiican ula shaqeyn doonin madaxweynaha Cusub.
Haddii uu Uhuru fuliyo ballanqaadkaan waxaa xaqiiq noqon doonto inuu raadinayo la sameysiga xiriir caalamiga ah dowladda Soomaaliya taasna waxay fududeyn kartaa in iyadana loo fuliyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay oo aan dhibaato ku aheyn dalka.

Haddii uu Uhuro fullin waayo heshiiskaas waxay caqabad weyn ku noqon doontaa xiriirka labada dowladood oo maalmahaan aan fadhin, sidoo kalana waxaa heshiiskaas deg deg ah lagu sababeeyey inuu Uhuru doonayo inay Soomaaliya joojiso dacwadda Badda ee ka furan maxkamadda Caalamiga, taasoo aan marnaba macquul ka aheyn inay aqbasho dowladda heysata taageerada shacabka.

Ugu dambeyntii, waxa la sugaaba waa 2 asbuuc iyo fullinta heshiiskaas soo bilawday waqti hore, maadaama uu midkaan noqonayo heshiiskii seddexaad oo ay Kenya ku gasho inay isku furi doonto duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi iyadoo aan la mareyn Wajeer.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada