Sawirro: Kismaayo oo lagu soo bandhigay qaraxyo tan culus iyo Shabaab oo…

Sawirro: Kismaayo oo lagu soo bandhigay qaraxyo tan culus iyo Shabaab oo…

daajis.com:- Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ku qabtay mid kamid ah Maleeshiyaadkii Qaraxyada ku diyaarinaayay Guri ku yaalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa nolosha ku qabtay mid kamida Ragii diyaarinaayay Qaraxyada kadib markii ay ku baxeen dhawaqa Qarax la sheegay inuu ka dhacay Guriga, waxa ayna halkaasi kusoo qabteen Qaraxyo kale oo ka badbaaday Qaraxii dhacay.

Ciidamada ayaa ninkaani oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Nuur kusoo qabtay guri ku yaalla nawaaxiga Haanta biyaha ee xaafadda Farjanno.

Axmed C/laahi Ciise ”Gaas” oo ah Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ninkani uu ka tirsanaa Al-shabaab, ayna mudo baadi goob ku hayeen, xogtiisana ay mar hore heleen isagoo intaa ku daray in saakana ay u suurogashay in ay gacanta kusoo dhigaan.
Waxa uu sheegay inay horgeynayaan Sharciga isla markaana uu mari doono waxa uu sharciga ka qabo howsha lagu soo qabtay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada