daajis.com:- Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay oggolaatay in gole ay leeyihiin haweenka laga dhaqan geliyo dalkaas.
Gobolka Al-Qassim ayaa golahan markii ugu horeysay laga bilaabay iyadoo munaasabadii lagu furayay la soo bandhigay oo kaliya sawiro rag oo aysan ku jirin haween.
Sawirkan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa waxaa ka muuqda 13 rag ah iyadoo lala barbardhigay sawir uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku saxiixayay sharci ku saabsan carruurta ay haweenka iska soo ridaan bishii Janaayo sanadkan.
Haweenka ayaa qol gaar ah ku jirey munaasabadii furitaanka waxaana ka soo qeybgalay Amiir Faisal bin Mishal bin Saud oo ah guddoomiyaha gobolkaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo ah guddoomiyaha gobolka Qassim iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo Gole noocan oo kale ah laga bilaabo dalka Sacudi Carabiya.
“Gobolka Qassim haweenka waxaa looga arkaa inay yihiin walaalaheena waxaana na wada saaran mas’uuliyad in aan siino fursado badan si ay howlahooda ugu fududaan,”ayuu yii guddoomiyaha gobolka Qassim.
Boqortoyada Sacudi Carabiya oo aan loo oggoleeyn haweenka inay dibada u baxaan iyagoo aan la socon muxrim ayaa la sheegay in haatan laga bilaabay in la dabciyo sharciyada qaarkood ee dhinaca haweenka ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at