War deg deg: Baarlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

War deg deg: Baarlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda, kaddib markii cod loo qaaday.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey oo uu hareer fadhiyay Guddoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Cawad ayaa ugu horeyn waxaa kulanka laga akhriyay mooshin soo jeedin ahaa oo lagu dalbanayay in wax ka bedel lagu sameeyo ajandaha, laguna soo daro in Xukuumadda isla maanta la ansixiyo, waxaana soo jeedintan ku saxiixnaa illaa 10 Xildhibaan, waxaana akhriyay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Intaas kaddib shir guddoonka ayaa u yeerayay Xildhibaanada Baarlamaanka sida ay aragtidooda uga dhiibtaan mooshinkaas, waxaana Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo ku kala aragti duwanaadeen mooshinkaas soo jeedinta ah, iyadoo Xildhibaanada diidanaa ay ku doodayaan inay tahay in barnaamijka Xukuumadda lagu soo akhristo 48 saac kaddib, si marka la soo akhristana cod loogu qaado.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa markii dambe ku dhawaaqay in mooshinkaas la geliyo cod, inta ogol in ajandaha lagu soo daro in isla maanta la ansixiyo Xukuumadda iyo inta diidan, waxaana ogolaatay 220 Xildhibaan, halka 15 Xildhibaan ay diideen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa  Xildhibaanada u akhriyay barnaamijka xukuumaddiisa ee afarta sano ee soo socoto oo ka kooban 10 qodob, taasoo udub dhexaad uga dhigay, gurmadka abaaraha, ka guul gaarista xasiloonida, sugida ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, Cadaaladda, ka hortaga musuq maasuqa, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha doorasho qof iyo cod sanadka 2020.

Intaas kaddib Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna shir guddoonka kulanka ayaa Xildhibaanada faray in cod u qaadaan Xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

224 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, halka 15 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax.

Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu hor-dhaarin doonaa Xildhibaanada Golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ku sugan xarunta Golaha shacabka uu dhaarin doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada