WAR DEG DEG: Dowladaha Sucuudiga iyo Iiraan oo heshiis wada gaaray

WAR DEG DEG: Dowladaha Sucuudiga iyo Iiraan oo heshiis wada gaaray

daajis.com:- Murankii dhinaca Xajka ayaa waxaa heshiis ka gaaray wadamada Sacuudiga iyo Iiraan oo labadiisano ee la soo dhaafay ka dhaxeeyay.

Sayid Cali Qasi Askar Wakiilka Hoggaamiyaha Kacaanka Iiraan u qaabilsan Arrimaha Xajka iyo xujeyda ayaa sheegay in Dowladda Sucuudiga ay aqbashay Shuruud ay Iiraan ka gudbisay.

Waxaa uu sheegay in Boqortooyada Sucuudiga ay aqbashay sugidda amniga,sharafta iyo nolosha xujeyda Iiraan,taas oo ay iiraan ka carootay Sanadkii 2015kii markaas oo isbuursi ay sameeyeen Xujeydii Sanadkaas ay Iraan uga dhinteen Xujey badan.

86,000 Iiraaniyiin ah ayaa la filayaa in ay u xajiyaan Sanadkan,maaddaama labada dowladood ay heshiis ka gaareen murankii dhanka Xajka ahaa ee u dhaxeeyay labadii sano ee la soo dhaafay.

Iiraan waxaa ay Sanadkaas Xajka ku weysay 465 Xaaji oo ka mid noqday dadkii ku dhintay isbuurashadii ka dhacday Xajka.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in shilkaasi ay ku dhinteen 700 oo Xaaji,laakiin Dowladaha Muslimka ah ayaa tirada ku sheegay 7000 oo Xaaji kaddib markii la tira koobay Waddan kasta kaga dhimatay Xajka Sanadkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada