daajis.com:- Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Boris Johnson oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Madaxda qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka, sida Madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taal xerada Xalane ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha, Amniga iyo sidii UK dhinacyada horumarinta iyo kaalmada bani’aadanimo ee deegaanada maamul goboleedyada uga qeyb qaadan laheyd.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Ingriiska Boris Johnson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynayaasha maamulada dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo maamulada dalka ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.
Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa safar deg deg ah maanta ku soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo la balansanaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK.
Deegaanada maamulada ka jira ayaa waxay ka mid yihiin goobaha ay ku dhifteen abaaraha iyo biyo la’aanta, waxaana dowladda UK ay ka qeyb qaadaneysaa howlaha bani’aadanimada oo gar gaar deg deg ah lagu gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at