DAAWO:- dagaal ka dhex qarxa Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka oo laga digay

DAAWO:- dagaal ka dhex qarxa Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka oo laga digay

daajis.com:- Xiisada u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeesanayay, waxa ayna labada dowladood ay bilaabeen dagaal afka ah oo la isku dhaafsanayo dhinaca Warbaahinta.

Dowlada Shiinaha ayaa ka digtay dagaal ka dhax qarxa dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, waxa ayna Dowlada Shiinaha sheegtay in dagaal hadii uu dhaco aysan jirin cid ay dani ugu jirto.


Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dowladiisa ayu ka digeyso dagaal ka dhax qarxa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya , waxa uuna tilmaamay hadii dagaal dhaco in aysan cidna ku guuleysaneynin.

Hadalkan kasoo baxay dowlada Shiinaha ayaa yimid kadib markii ay korortay xiisada ka dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna dowlada Mareykanka dhawaan Maraakiib dagaal u dirtay gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda kordhisay tijaabinta gantaalada culus ee xambaari kara nukliyeerka, waxaana tijaabada gantaaladan ay marar badan ka careesiisay dowlada Mareykanka iyo dowlaha kale ee Japan iyo Kuuruyada Koonfureed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada