Daawo Sawirro: Weerarkii xalay ka dhacay Paris oo la sheegtay & Booliska oo ka hadlay

Daawo Sawirro: Weerarkii xalay ka dhacay Paris oo la sheegtay & Booliska oo ka hadlay

daajis.com:- Saraakiisha Booliska Faransiiska ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar askari boolis ah lagu dilay laba kalena lagu dhaawacay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Paris.

Nin dabley ah uu rasaas ku furay askarta ka hor intii aan isagana la dilin xili uu isku dayey inuu goobta ka baxsado, waxaana boolisku xireen gooba weerarku ka dhacay oo ah Champs-Elysees.

Kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay weerarkan iney ka dambeysay, iyadoo xustay in mid ka mid ah dagaalyahanada kooxdaas uu weerarka qaaday.

Madaxweyne Francois Hollande ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in weerarku ahaa mid agagixiso.

Madaxweyne Holland ayaa ka dib markii uu kulan degdeg ah la yeeshay ra’isal wasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha, wuxuu sheegay in qaranku taageero buuxda la garab taagan yahay ciidamada nabadgelyada isla markaana maamuus qaran lagu aasi doono askarta booliska ah ee la dilay.

Waxaanu intaa ku daray in uu aroornimada Jimcaha ah kulan la yeelan doono golihiisa nabadgelyada ee xukuumadiisa.

Weerarro baaxad lahaa oo dalkaasa ka dhacay ayaa waxaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku, waxayna noqotay arrintan mid aad loogaga doodayey ololaha doorashada.

Dhawr ka mid ah musharaxiinta ka qayb galaya tartanka doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa ololohoodii joojiyey si ay u muujiyaan tixgalinta ay u hayaan shacabka iyo xukuumadda Faransiiska.

“Sida ay u muuqato, askarta booliska ah si ula kac ah ayaa loo beegsaday” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Faransiiska Pierre-Henry Brandet.
Qiyaastii saacaddu markii ay ahayd 9:00 habeenimo xiliga Paris ayaa nin baabuurkii uu watay soo ag joojiyey bas yar oo boolisku leeyihiin ka dibna rasaas ayuu ku furay, ayuu yidhi Mr Brandet oo ah af-hayeenka wasaaradda arimaha guduhu.

Champs-Elysees ayaa ah goob dunida aad looga yaqaan oo dad aad u badanina u dalxiis u tagaan, waxaana muddo dheer loo arkayey in ay noqon karto goob la bartilmaameedsan karo.

Weeraradii u dambeeyey ee ay sheegatay kooxda dawladda Islaamku waxa ku dhintay 238 qof tan iyo sannadkii 2015-kii sida ay wakaaladda wararka AFP faafisay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada