MUUQAAL: Wasiir Yariisow oo Shaqadii ka Eryay Masuuliyiin Caan ah

MUUQAAL: Wasiir Yariisow oo Shaqadii ka Eryay Masuuliyiin Caan ah

daajis.com:- Cabdirahman Cumar Cismaansman (Yarisoow) Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Eng. Yarisow oo dhowaan la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil­wareejinta isla markaasna uu xog­wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul­culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.


Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul­culus.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada