Sawirro: Mareykanka oo Afrika ku qal qaalinaya dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab

Sawirro: Mareykanka oo Afrika ku qal qaalinaya dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab

daajis.com:-  Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM   ayaa laba maalin u socday kulan xasaasi ahaa oo u dhaxeeyey ku dhawaad 40 Madaxda Gaashaandhigga ee Qaaradda Afrika ayaa looga arinsaday sida ugu wanaagsan ee loo xiriirin karo dagaalka Maraykanka kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaalama .

Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ayaa sheegay inay kulan ku yeesheen Magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid aad xasaasi ah u ahaa.

Wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Saraakiisha Xiriirinta ee ka socda Qaaradda Afrika ay ka hawl-galaan Xarunta Dhexe ee Taliska AFRICOM ee magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka.

“Waxaan ku soo dari karnaa halkan ama wxaan awoodnaa inaan aadno halkaasi ma labadooda” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM, wuxuuna intaasi ku daray in Codsiga Saraakiisha Xiriirinta Hawlgalkaasi looga dan leeyahay inuu sawir wanaagsan ka bixiyo waxa haatan socda.

Taliyaha waxa uu sheegay inay danaynayaan si loo xaqiijiyo Muuqaalka Hawlgalka Guud in loo baahan yhay inay Saraakiisha Xiriirinta Dagaalka ku sugnaadaan Xarunta Taliska AFRICOM ee magaalladda Stuttgart.

AFRICOM ayaa sidoo kale  doonayso inay asaasaan Xiriiro dhow oo ay la yeeshaan Ciiddanka dagaalka kula jira Kooxaha Xag-jirka ee ku suganGobalka Harrada Chad “Lake Chad region), halkaasi oo ay Ciiddanka Nigeria kula dagaalamayaan Maleeshiyadda Boko Haram ee khatarta ku hays dhowr Waddan oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Kulanka ay AFRICOM ku marti-gelisay ku-dhawaad Madaxda Difaaca ee 40-dal oo Afrikaan ah ayaa ah kii ugu horreeyey ee noocaasi oo ay AFRICOM qabanqaabisay muddo 10-sanno ah.

Waxaana uu imanayaa xiili AFRICOM dhowaan la siiyay ogolaansh ku aadan inay duqeyn iyo dagal toos ah ku qaadi karaan waqti kasta xarakada al-shabb taas oo ay walaac ku buurtay dad badan sabb laxariirta in ay waxyeelo kaso gaarto duqeymaha diyaradaha Mareykanka dad aan waxba galabsan .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada