Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

daajis.com:-Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa manata xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabad xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliyihii hore Jen, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka sii wado horumarinta ciidamada booliska iyo sidii amniga loo sugi lahaa, iyadoo horay xilkan u soo qabtay, oo looga qaaday xil gudasho la’aan.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa kula dar daarmay Taliyaha cusub, inuu ka soo dhalaalo waajibaadka loo igmaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada