London: Madaxwayne Farmaajo Muxuu uga hadlay Khudbadii Shirka ? (Daawo)

London: Madaxwayne Farmaajo Muxuu uga hadlay Khudbadii Shirka ? (Daawo)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka. Madaxweyne Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka u sheegay inuu doonayo in beesha caalamka ay kaalin ka qaadato sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen in dhibaatadeeda ay iyadu xaliso, Wuxuuna ku baaqay in waddamada beesha caalamka ay raacaan tusaalaha qaar ka mid ah dalalka Carabta oo ka cafiyay Soomaaliya deymo badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka u sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in lala xisaabtamo, Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu shirka u sheegay in dowladiisu ay la dagaalameyso seddax cadow: Argagixiso, musuqmaasuq iyo saboolnimo.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada