Madaxweyne Museveni oo si weyn u ceebeeyey Siyaasiinta Soomaalida, Kashifay-na Sir Culus (Aqri)

Madaxweyne Museveni oo si weyn u ceebeeyey Siyaasiinta Soomaalida, Kashifay-na Sir Culus (Aqri)

daajis.com:- Shirka maanta ka furmay magaalada London ee looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya Khudbdo kala duwana ka jeediyay Madax kala duwan oo ka socotay Qaarada Afrika iyo kuwa Caalamka matalayay.



Madaxda Khudbadaha ka jeediyay Shirka ka socda magaalada London waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Dalalka Uganda iyo Kenya iyo sidoo kale Ra’isul Wasaarhaa dalka Itoobiya oo isna kulanka ka qeyb galaya.


Yoweri Museveni Madaxweynaha dalka Uganda oo Khudbad ka jeediyay shirka London ayaa sheegay in dowladiisa ay Saaxiib aad u dhaw la tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in ay ay ka taageereen dhinacyo badan sida amniga una horeyn dhiigooda.


“ Uganda waa saaxiibka 1-aad ee Soomaaliya, 6dii March 2007 dii Ciidankii ugu horreeyay ee AMISOM ka socda ayaan geynay magaalada Muqdisho, kaddibna waddamada kale ayaa soo galay iyaga oo AMISOM ka tirsan, aad ayaan u rabnaa dowladimada Somalia” Ayuu yiri Museveni.



Madaxweynaha dalka Uganda ayaa Shirka London ka cadeeyay Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya heesata in ay tahay in aysan laheyn sida uu Tilmaamay Siyaasiyiin wadani ah, waxa uuna sheegay in taa badalkeeda ay Qabyaaladu ka xoog badan tahay wadaniyada.



”Soomaaliya waa in ay heshaa dowladnimo dhameystiran, dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waxa weeye in aysan Soomaaliya lahayn Siyaasiyiin Waddaniyiin ah, waxaana ka awood badan qablaayadda waxaan soo jeedinayaa in Somaliya yeelato axzaab waddaniyiin ah, meelna iska dhigaan aragtida qabyaaladda” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.



Madaxweyne Musaveni ayaa ugu dambeyn ku baaqay in Al Shabaab lala galo dagaal xoog badan wax fursad ahna aan la siin , waxa uuna codsaday in si wadajir ah loola dagaalamo dagaalyahanada Al Shababa si Soomaaliya looga cirib tiro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada