Akhriso: Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ruuxii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ee lagu qaaday Pizza House iyo Posh Treats

Akhriso: Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ruuxii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ee lagu qaaday Pizza House iyo Posh Treats

daajis.com:- Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo shaqsiyada wadihii Gaariga isku miidaamiyay Pizza House iyo Posh Treats oo ku yaalla agagaarka Isgooyska Banaadir ee Degmada Hodan.

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Caasiga oo midabkiisu yahay qalin ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, halkaa oo xiliyada Habeenkii ay inta badan ka arimiyaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Gaariga ayaa inta uu kusoo jeeday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats soo maray wadada Tarabuunka gaar ahaan baro koontarool oo ay ku sugnaayen ciidamada Imaaraadka.

Gaariga oo ay la socdeen Shan maleeshiyo ayaa Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats kasoo galay dhabarka danbe, iyagoo muran xoogan la galay ilaalada Posh oo markaa qabay dareen.

Dhammaan maleeshiyaadka la socday gaariga ismiidaamiyay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee Somalia.

Sidoo kale, wadaha Gaariga Ismiidaamiyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cusmaan Caliyow Deerow Isaaq oo kasoo jeeda Beesha Raxanweyn, gaar ahaan lafta Jilible.

Naftii haliga ismiidaaminta fuliyay ayaa waxaa adeer u ahaa Cabdalla Deerow Isaaq oo ahaa Guddoomiyihii Golihii baarlamaankii KMG ahaa ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carte ee dalka Janhuuriyadda Jibouti.
Dhinaca kale, waxaa jira macluumaad isa soo taraaya oo aan ka heleyno dhanka Hay’adaha amaanka, waxaana suuragal ah in saacada soo socda aan idiin soo gudbino magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedan maleeshiyaadkii weerarka ka qeybqaatay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada