DAAWO: Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo laga laabtay

DAAWO: Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo laga laabtay

daajis.com:- Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan ka gudbiyay mooshin guddoomiyaha  baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in ay dib ula laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo u hadlay xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo eegaya midnimada baarlamaanka iyo duruufaha adag ee baarlamaanka Hirshabelle.

Kulan afur ahaa oo uu sameeyay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlawe Xuseen laguna soo afjarayay khilaafka soo kala dhexgalay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhowaaqista dib ula laabashada Mooshinka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlawe Xuseen,shir guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyo golaha wasiiradaba.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre ayaa soo dhoweeyay una mahadceliyay xildhibaanadii mooshinka ka keenay kadibna dib ula laabtay, waxana uu sheegay in ay ula mid tahay caawa habeenkii loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maadaama mooshinka lagala noqday.

Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay dib ula laabashada Mooshinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyagoo kula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka inay midoobaan.

Soo afjarida khilaafka u dhexeeyay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle oo ah baarlamaan aan muddo dheer jirin ayaa waxaa door weyn ka qaatay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo hoygiisaba waxaa ka socday kulamo lagu qaboojinayo xiisada soo dhex gashay xildhibaanada waxana uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne ku xigeenku xildhibaanada mooshinka ka keenay iyagoo ugu dambeyntii ka aqbalay inay dib uga laabtaan mooshinka.

Halkan Hoose ka daawo Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Caddow oo ku dhowaaqay ka laabashada Mooshinka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada