Deg deg: Wasiir katirsan dowlada Qatar oo soo gaadhay Muqdisho (Warbixin)

Deg deg: Wasiir katirsan dowlada Qatar oo soo gaadhay Muqdisho (Warbixin)

daajis.com:- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo kulamo la leh madaxda dowladda, Wuxuuna xilligan kulan la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka.

Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xirtay hawada, badda iyo dhulka.
Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada