Gargash;”Xayiraada Diblumaasiyada ee Qadar waxa ay socon doontaa sanooyin”

Gargash;”Xayiraada Diblumaasiyada ee Qadar waxa ay socon doontaa sanooyin”

daajis.com:- Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada wadanka Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in xayiraada dhinaca diblumaasiyada ah ee saaran dalka Qadar inay socon karto muddo sanooyin ah.

Gargash oo warkan ka sheegay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa ku eedeeyay dowlada Qadar inay taageerto argagaxisada iyadoo maanta ay ku eg tahay 14 maalmood oo loo qabtay muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Qadar inay ugaga baxaan wadamada Sacudi Carabiya,UAE iyo Baxreyn.

Gargash ayaa ugu baaqay dowlada Qadar inay joojiyaan taageerada ay u hayaan muslimiinta asal raaca ah kahor inta aan la gaarin heshiis lagu soo afjarayo khilaafka kala dhexeeya wadamada Khaliijka.

Hase yeeshee eedeymaha loo soo jeedinayo dalka Qadar ayay dowlada Qadar ku sheegtay inay tahay been aan waxba ka jirin.

Gargash;”Xayiraada Diblumaasiyada ee Qadar waxa ay socon doontaa sanooyin”
Dalka Turkiga oo ah wadanka ugu horeeya ee taageerada u muujiyay dalka Qadar ayaa haatan ciidamadiisii ugu horeeyay waxa ay gaareen dalka Qadar iyagoo si wadajir ah u sameyn doona dhoolatus milatari ciidamada dalka Qadar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada