MUUQAAL: Boqolaal Tahriibayaal ah oo Soomaali ku jirto oo Laga soo Bad baadiyey Xeebaha Talyaaniga

MUUQAAL: Boqolaal Tahriibayaal ah oo Soomaali ku jirto oo Laga soo Bad baadiyey Xeebaha Talyaaniga

daajis.com:- Ciidamada ilaalinta xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Afrikaan tiradoodu gaareyso boqolaal.

Maraakiibta Talyaaniga ah ayaa gurmad ballaaran u fidisay tahriibayaashan kaddib markii doonti ay wateen ay kula degtay xeebaha Jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.


Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa badda ku geeriyooday intii gurmadkan uu socday ka dib markii ay baddu la tagtay, waxaana la arkayey meydadkooda oo badda sabeynaya.

Kumanaan tahriibayaal afrikaan ah oo ay ku jiran Soomaali ayaa sanadihii la soo dhaafay ku naf waayey badda Meditreanian ee u dhexeysa Qaaradaha Afrika iyo Yurub, kuwaasoo doonayey iney galaan kana shaqeystaan Yurub, iyagoo raadinayey nolol dhaanta mida dalalkooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada