MUUQAAL: Fanaanka Cabdi Holand iyo Cabdiwahaab Booska oo maanta Muqdisho soo gaadhay (Video)

MUUQAAL: Fanaanka Cabdi Holand iyo Cabdiwahaab Booska oo maanta Muqdisho soo gaadhay (Video)

daajis.com:- Fanaaniinta Cabdi Holand iyo Cabduwahaab Booska oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Fanaaniinta Reer Muqdisho.


Soo dhaweyn ka dib Fanaaniinta ayaa la geeyay Xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed halkaasi oo ay Warbaahinta kula hadleen.

Fanaaniintan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Munaasabadaha Maalmaha Xuriyada Soomaaliya ee ka dhacaya Muqdisho.

Sidoo kale Fanaaniintaan ayaa Magaalada Muqdisho ku qabanayaan Barnaamijyo faneedyo kala duwan oo loogu dabaal dagaya Maalmaha Ciida.

Fanaanka Cabdi Holand ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu soo gaaro sanado badan ka dib.

Cabduwahaab Maxamed Booska ayaa sheegay in lacagaha ka soo xaroodo Barnaamijyada ay ku qabanayaan Muqdisho ay wax ugu qabanayaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Maalinta Barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Fanaaniin kale oo ay ka mid yihiin Fanaanada Hani Uk iyo Mustaf Karaama.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada