MUUQAAL: Nin Somali ah oo Australia ka gaystay Weerar uu dad ku Laayey, Kadibna La Toogtay iyo Waxa dhacay

MUUQAAL: Nin Somali ah oo Australia ka gaystay Weerar uu dad ku Laayey, Kadibna La Toogtay iyo Waxa dhacay

daajis.com:- Weerarkan ayuu geystay nin lagu magacaabo Yacqub Khayre, kaasi oo dilay hal nin, isla markaana dhaawacay 3 askari oo booliis ah, Iyadoo Ninkan kahor intaan la dilin afduub u qabsaday haweenay markii danbe nolol looga soo badbaadiyey.

Booliiska ayaa muddo saacado ah isku dayey inay ku qanciyaan ninkasii afduubka ku heystay haweenaydaasi ayaa markii danbe go’aansaday inay xoog ku galaan gurigii uu ku jiray iyagoona toogtay ninkaasi.

Dowlada Australia ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay fal argagaxisada, waxaana saacado kadib warbaahinta Daacish ay shaacisay in ninkaasi weerarka fuliyey uu kamid ahaa taageerayaashooda.


Yacqub Khayre ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, waxaana laamaha amaanka ee Australia sheegeen in uu khatar ku ahaa dalka amnigiisa tan iyo sanadkii 2007 markaas ood enbiyo kala duwan lagu xukumey in uu galay oo ay kamid ahaayeen dhac hubeysan, tuuganimo weyn, xatooyo iyo haysashada mukhaadaraad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada