MUUQAAL: Rw. Khayre oo Ciidamada Kula Afuray Badhtamaha Muqdisho, Kadibna Socod ku maray magaalada

MUUQAAL: Rw. Khayre oo Ciidamada Kula Afuray Badhtamaha Muqdisho, Kadibna Socod ku maray magaalada

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weliyaan Wasiirka Amniga,Wasiirka dhallinyarada, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa galabta kula afuray qaar ka mid ah dawooyin Caasimadda ciidanka ku guda jira xalisinta Muqdisho, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay u hayaan isla markaana loogu muujiyo in Madaxda Dowladdu ay garab tagan yihiin..

Ra’iisul Waaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa si caadi ah ula afurayey askarta, iyagoo aad ugu faraxsanaa in ay arkaan madaxda dowladda oo waddada hareeraheeda kula afuraya ciidamada.

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo la hadlay askartii uu la afuray ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare uqaadidda muraalka ciidanka, si loogu guuleyso xasilinta Amniga Dalka, gaar ahaan Muqdisho.


Intaa kadib ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay socod dheer oo lug ah ku ka soo mareen Wadada taleex ee Degmada Hodan, iyagoo ku tagay Hotel Jaseera ee Degmadda Wadajir iyo qeybo ka mid ah degmada Waabari, waxa ayna u kuur galayeen sida uu socda howlgalka ciidanka ay ku xasilinayaan Muqdisho, iyagoo Dadka ku ganacsanayey laamiga way diinayey Xaaladda amni.

Ra’iisul wasaraha ayaa Hotelada ku yalla Muqdisho Kula shaah cabay muwadiin Soomaaliyeed oo halkasi ku sugnaa, iyagoo farayey in ay la shaqeeyaan Dowladda ayna soo gudbiyaan talooyinka ku aadan dhismaha dowladdnimada Soomaaliya


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada