Saameynta ka dhalan karta Xiriirkii loo jaray dowladda Qatar (Warbixin)

Saameynta ka dhalan karta Xiriirkii loo jaray dowladda Qatar (Warbixin)

daajis.com:- Dalka Qatar ayaa mar ahaa wadanka ugu faqrisan wadamada Khaliijka, balse maanta wuxuu ugu horeeyaa kugu taajirsan gobolka, walina wuxuu wadaa kobcintiisa dhanka dhaqaalaha.


Waxaana dalkaasi uu ku tiirsan yahay dhaqaalihii Shidaalka oo u iibgeeyo wadamada gobolka iyo adduunka istiisa kale.

Lix wadan oo carab ah ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo deris la ah Qaar kamid ah lixda waddan ee ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen, sabab la xiriirta inay taageerto kooxaha ay ugu yeereen Argagixisada.

Dowladda Qatar ayaa iska diiday eedeynta kaga timid lixdaasi wadan ee aheyd inay taageerto kooxaha Al-qaacida iyo Daacish, oo dagaalo ka wadda qaar kamid ah dalalka ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen.

Wakaalada wararka Sacuudiga SPA ayaa baahisay in xukuumada Riyadh ay xiratay xuduuda ay la wadaagto dalka Qatar, Dhanka dhulka, Badda iyo cirka.

Dalka Qatar ayaa qani ku ah soo saarista gaaska, waxaana uu u iib geeyaa dalal badan oo caalamka ah.

Go’aankaan kasoo baxay dalalka Sacuudiga, Masar, Baxreyn, Yemen , Imaaraatka Carabta iyo Libya ayaa sababaya inay kala furtaan dalalka ugu awooda badan Khaliijka kuwaasi oo dhamaantood saaxiibo dhow la ah Mareykanka.

Sacuudiga ayaa sababta ugu weyn ee go’aankaasi uu u qaatay ku sheegay inay tahay in Qatar ay taageerto ama wadashaqeyn ay kala dhaxeyso, kooxaha argagixisada.

Yaa bilaabay xiriir u jaridda Qatar ?

Dowladda Baxreyn ayaa marka hore waxay bilowday in dalkeeda ay ka saarto diblumaasiyiinta u dhashay dalka Qatar, waxaana ku xigay Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar,Yemen iyo Libya.

Wakaalada Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankaasi loo qaatay sabab la xiriirta dhanka amaanka iyo qataro Argagixiso oo kaga imaan kara dalka Qatar, waxaana la siiyay muwaadiniinta reer Qatar inay labo todobaad kaga baxaan dalka Sacuudiga.

Dowladda Imaaraatka waxay diblumaasiyiinta reer Qatar u qabatay muddo labo maalin ah inay isaga baxaan dalka Imaaraatka, maadaama si lamid ah Sacuudiga ay argagixiso ku eedeeyeen dalka Qatar.

Dhamaan diyaaradaha Imaaraatka ee kala ah UAE airlines Etihad Airways, Emirates and Flydubai ayaa la sheegay inay joojin doonaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Qatar.

Safar dhawaan madaxweynaha Mareykanka uu ku tagay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa wuxuu kaga dalbaday wadamada Islaamka inay hogaamiyaan olole ka dhan ah Xagjirnimada, wuxuuna Iran ku eedeeyay inay qeyb ka tahay xasilooni darada bariga dhexe.

Marka aad si qoto dheer u eegto arintaan ayaa salka ku heysa danaha wadamada Khaliijka ay ka leeyihiin gobolka.

Saameynta Dhaqaalaha ee go’aanka wadamada Carabta.

Waxaa hadda halis galaya ama saameyn ay kala kulmi doontaa dowladda Qatar dhanka cuntada, Duulimaadyada iyo kubbada Cagta oo intaba saameyn doono go’aanka xiriirka loogu jaray.

Diyaaradaha Abu Dhabi, iyo Etihad ayaa joojinaya duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalada DOHA ee dalka Qatar, laga bilaabo maalinta beri ah, waxaana maalin walbaa labada diyaaradood ay tagi jireen magaalada Doha inka badan 10 jeer.

Waxaa sidoo kale la joojin doonaa miisaaniyad shirkada FlyDubai ee dalkaasi,sidoo kala waxaa joogsan doono duulimaadyada diyaaradaha, Bahreyn, Gulf Air, Egypt air iyo duulimaadyo kale.

Waxaa khasaaraha ugu badan la kulmi doonto diyaaradda Qatar ee uu ka dulbanayay calanka dalkaasi oo maalin walba tagi jirtay magaalooyinka Qaahira, Abu Dhabi, Riyadh iyo dalal kale.

Dhanka dhismaha waxaa joogsan doono dhismaha Dekad Cusub, goob weyn oo Caafimaad, mashaariic kale oo ay ku jireen dhismayaasha 8 garoon kubbada cagta ah, oo loo qorsheynayay ciyaaraha adduunka ee 2022 oo wadamada Khaliijka qaarkood ay ku lug lahaayeen.

Sabababta mashaariicdaasi qaarkood u jooganayaan ayaa ah inaysan heli doono Shubka iyo biraha oo maraakiib looga keeni jiray dalka Sacuudiga.

Bariiska iyo cuntooyin kale ayaa ka joogsan doono Reer Qatar, kuwaasi oo Sacuudiga ay ka iibsan jireen, waxayna arimahaan oo dhan ka dhigayaan qatar dhanka nolosha ah.

Diyaaradaha Qatar markii hore waxay dalalka Qaarada yurub ku tagi jireen muddo lix saacadoo ah, balse haatan waxaa la sheegayaa inay ku qaadan doonto muddo sideed ilaa sagaal saac ah, maadaama loo diiday inay hawada wadamada xiriirka u jaray qaarkood ay adeegsadaan.

Soomaaliya dhamaan dowladaha Xiriirka u jaray dowladdaa Qatar iyo dalka xiriirka loo jarayba xiriir ayaa kala dhaxeeya, waxaana go’aanka dowladda Soomaaliya qaadataa uu yeelan doonaan saameyntiisa gaarka ah.

Tarjumaadii
Maxamed Ciise Maxamuud

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada