Cabdikariin Guuleed oo jawaab siiyay Fiqi, taageerayna hadalkii Sheekh Nur Baaruud

Cabdikariin Guuleed oo jawaab siiyay Fiqi, taageerayna hadalkii Sheekh Nur Baaruud

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay hadaladii lagu eedeeyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee uu u jeediyay xildhibaano la sheegay inay mooshin wadaan, hadalkaasi oo habeen hore uu ka jeediyay munaasabad lagu taageerayay ciidamada qalabka sida.

XIldhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa hadal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku tilmaamay hadalka Sh. Nuur mid xanaf leh oo meel ku dhac ku ah xildhibaanada baarlamaanka, ayna haboon tahay in madaxweynaha uu raali gelin ka bixiyo.

Hadaba C/kariin Guuleed ayaa bartiisa Facebook soo dhigay fal celin arrintaasi ku saabsan waxayna u qorneyd sidaan:.

Wadaadka ha laga Xishoodo:-

Sheekh Nuur Baaruud oo ah Caalim Cimrigiisa ku soo dhameystay Fidinta Diinta iyo Garab istaagga Umadda hadalka uu jeediyey uma maleynayo inuu ahaa hadal uu cid gaar ah ku taageerayey cid gaar ahna uu kaga soo horjeeday sidaas markaan leeyahay waxaan eegayaa aqoonta dheer ee aan Sheekh Nuur u leeyahay iyo mowqifyadiisii marxaladihii la soo maray tusaale ahaan:

1.Xiligii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre Waxuu ka mid ahaa Sheekhu dadkii hor istaagay oo si cad oo aan dhuumasho laheyn uga horyimid Siyaasadahii qaldana ee Kacaanka xili waliba aan lagu dhicin in lagu dhiirado Kacaankaas, asagoo ku muteysyay in lagu xukumo DIL TOOGASHO AH.

2. Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada waxuu ka mid ahaa Sheekh Nuur dadkii Calanka u siday wax ka badalka Xaaladaas.

3.Xiligii Maamulkii Cabdulaahi Yuusuf Sheekhu sidoo kale waxuu ahaa dadkii sida Cad oga hor yimid soo galinta Ciidamadii Itoobiyo gudaha Dalka Soomaaliya, waxuu ka mid ahaa Culumadii Muqaawamada iyo Kacdoonka Bulsho hogaaminaysay.

4. Xiliyadii Maamulkii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sidoo kale Sheekhu had iyo jeer waxuu sheegi jiray waxa uu u arko inay sax tahay asagoon cidna ugu aabo yeelaynin waxaana u maleynayaa in aad loo wada xusuusto hadlkii uu Sheekhu ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh hortiisa oo ahaa ” Madaxweyne Doorashadaada iyo Doogaaga Masuuliinta ayaa xun”
Waxaana hubaa dad maanta Sheekha arinkan ku dhaleecaynaya inay maalintaa kale u riyaaqsanaayen hadalkiisa.

Haddaba Sheekh Nuur Baaruud waa qofkaas ee ma shalay ayuu qaldanaa mase maanta, waxaan u arkaa in mar kasta waxa uu sax u arko qof sheego uu ahaa, tan haddana sidaa ayey ila tahay Waxaana hubaa in haddii uu Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu qalad ku arkana uu tilmaamayo fartana ku fiiqayo.

Marka Sheekha ha laga xishoodo hana laga leexdo, mana filaayo inuu Dastuur meel oga dhacay Xildhibaanada Sharafta lehna u gafay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada