Dowladda Somalia oo Awood Buuxda lasoo baxday, Markabkii Jaray Xadhigii Internetka oo lagu hayo Xeebaha dalka

Dowladda Somalia oo Awood Buuxda lasoo baxday, Markabkii Jaray Xadhigii Internetka oo lagu hayo Xeebaha dalka

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa magdhaw ka dalbatay shirkadda markabkii gooyay Fiilada Fibre Optic ee soo marayay gunta hoose ee badda, iyadoo markab la sheegay inuu arrintan ka dambeeyay lagu amray in aanu ka bixi karin xeebaha Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in muddo 15 maalmood ka badan ay Internet-ka Fibre Optic uu ka go’an yahay Koofurta Soomaaliya, ayna sababtay khasaare baaxad leh.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in maalin walba la khasaaro lacag dhan 10-milyan oo dollar, kaas oo sababay Internet la’aanta ka jirta Koofurta Soomaaliya, isla markaana uu saameyn ku yeeshay adeegyadii bulshada.

Waxaa uu sheegay in magdhaw laga doonayo shirkadii ku lug laheyd dhibaatada ka dhalatay Internet la’aanta, waxaana uu ka dalbaday inay jawaab ka bixiyaan.

“Cidii ku lug leh arrintan sharciga ayaa lala tiigsanaa, shirkadda markabkaas is ka leh waxaa laga rabaa magdhow inay bixiyaan oo ah dhibaatada ay geystaan, jawaab ayaana laga sugayaa”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in xilliga aanay Soomaaliya aheyd dal wixii la doono laga sameeyo oo laga dhaqaaqo.

Markab taagan agagaarka Dekeda Muqdisho ayaa loo heystaa inuu gooyay fiiladii Internet-ka ee ka go’ay Badda, waxaana shirkadda leh markabkan ay dalbatay in cadeyn loo keeno arrintan

Markabkan oo lagu magacaabo MSC Alice ayaa Dekeda maalintii Ciida, iyadoo habeenkii uu go’ayay Xariga Internet-ka ee Fibre Optic uu taagnaa agagaarka Xeebta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada