Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Tegi doona Puntland iyo Warar dheeri ah

Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Tegi doona Puntland iyo Warar dheeri ah

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo deegaanada kale ee maamulkaas hoos-yimaada, iyadoo booqashadan qeyb ka tahay safaro uu ku kala bixinayo xarumaha maamul goboleedyada.


Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa safar ku maraya deegaanada Puntland, isagoo sheegay in safarkiisa uu gogol xaar u yahay booqasho la filayo in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda ku tago.

Wasiir Juxa ayaa shalay gaaray magaalada Boosaaso, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, waxaa uu horay u soo maray Gaalkacyo, Garowe, Qardho iyo deegaanada kale ee Puntland ka tirsan.

“Safarkeyga wuxuu horu dhac u yahay booqasho uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku imaan doono deegaanada Puntland, haddii alle idmo, waxaan idinka codsanayaa inaad u diyaar garowdaan soo dhoweynta Madaxweynaha”ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay safar dhulka ah ku mari doonaan deegaanada Puntland, si ay ugu kuur galaan xaalada nabadgelyo ee deegaanada ka jirta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay xarumaha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo habeen uu ku hoyday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada