Daawo: Puntland oo dil ku fulisey koox ka tirsanaa Al-shabaab Xiliga la qabtay, Magacyada iyo sida ay wax u dhaceen

Daawo: Puntland oo dil ku fulisey koox ka tirsanaa Al-shabaab Xiliga la qabtay, Magacyada iyo sida ay wax u dhaceen

daajis.com:- Waxaa maanta ka dhacay magaalada Bosaso fulinta xukun dil ah oo lagu fuliyey 7 qof oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen al-Shabaab kuwaas oo dilal ka geystey gudaha Puntland sidoo kale lagu soo qabtey iyaga oo magaalada Bosaso gelinaaya jawaano ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka ee shanta gobol Col. Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa saxaafadda u akhriyey magacyada kooxda dilka lagu fuliyey waxaana uu sheegay in shan kamid ah kuwa la diley ay ahaayeen koox gaari yar ku wadey shan jawaan oo qaraxyo ka buuxaan. Labada kale ayuu sheegay in laga soo qabtey Gaalkacyo dilna lagu xukumey sanadkii 2015. Mid kamid ah ayaa ku eedeysnaa dilka 23 qof oo Gaalkacyo lagu diley waxaana uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu in uu qiraal ku yahay eedaysanuhu dilalka uu geystey, kan kale oo magiciisa lagu sheegay Cabdixakiin Xasan Xaamud ayaa dil iyo dhaawac ka geystey Hotel Cagaar weyne ee Gaalkacyo, kadibna waa la dhaawacay iyada oo dhigiisi la raacayo ayaa laga soo qabtey gudaha xaafada Wadajir ee Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ka taliyo.


Shanta qof ee qaraxyada lagu qabtey bishii Abril 2017 ayaa magacyadooda lagu kala sheegay
  • Cabbaas Ibraahim Yare Adam
  • Ibraahim Maxamed Canshuur
  • Dhaqane Cabdi Aadan Xasan
  • Aadan Nuur Aada
  • Nuur Cabdi Aadan Isaaq

Labada nin ee kale ee dil sugayaasha ahaa ee muddada labada sano ah dilka ku xukunaa ee maanta la diley ayaa magacyadooda lagu sheega
  • Cabdulqaadir Maxamed Cali, maxkamaddu waxay sheegtey in uu diley 23 marxuum oo ay ku jiraan masuuliyiin
  • Cabdixakiin Xasan Xaamud

Dilka kooxdan lagu fuliyey ayaa imaanaya iyada oo Puntland hawlgal weli ka wado buuraha Calmadow, kadib markii koox ka tirsan al-Shabaab ay dagaal gaadmo ah ku dileen ciidamo iyo shacab Puntland ah deegaanka Afurur ee gobolka Bari.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada