Erdogan oo gaaray Jeddah iyo arrin ku cusub xiisada dalalka khaliijka

Erdogan oo gaaray Jeddah iyo arrin ku cusub xiisada dalalka khaliijka

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho ku gaaray magaalada Jeddah ee boqortoyada Sacudi Carabiya.

Madaxweynaha oo socdaal ku mari doona dalalka Khaliijka, gaar ahaan kuwa uu Khilaafka u dhexeeyo ayaa waxa uu ka bilaabay dalka boqortooyada Sacuudiga oo lahaa abaabulka xiisada ka taagan Khaliijka.

Erdogan ayaa magaalada Jiddah ku nagaan doona muddo laba cisho ah, waxa uuna kaga sii gudbi doonaa magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dalalka uu booqanayo Erdogan ayaa waxaa ka mid ah Kuwait iyo Imaaraadka Carabta iyo Bahreyn waxana uu durba bilaabay Madaxweyne Erdogan waxa uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Boqor Salman iyo Amiirka dhaxalka leh ee Mohammed Salman.

Madaxweyne Erdogan ayaa boqortooyada Sacuudiga kala hadli doona keliya arrimaha khuseeya xiisada Khaliijka, gaar ahaan kan Sacuudiga kala dhexeeya Qadar.

Dowlada Sacuudiga ayaa sii ololineysa xiisada Khaliijka waxaana jira tuhun ay ka qabto waan-waanta uu wado Madaxweyne Erdogan oo si ganbasho la’aan u taageersan Qadar.

Sidoo kale, booqashadan Madaxweyne Erdogan ayaa ku soo aadeysa xili xiisad siyaasadeed uu ka dhex aloosan yahay wadamada Khaliijka kadib markii afarta dal ee Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Egypt ay xiriirka u jareen wadanka Qadar.

Ma cadda guusha uu Erdogan kasoo hoyin doono xiisada Qadar lagu hayo, inkastoo faragalintan ay kasii horeysay faragalinta Kuwait.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada