Layaab:- Qoraa Sucuudiyaan ah oo u gefay Allaah Cazza Wajalla!!

Layaab:- Qoraa Sucuudiyaan ah oo u gefay Allaah Cazza Wajalla!!

daajis.com:- Muran iyo dood ayaa ka taagan dhulka xarameynka, kadib markii qoraa ka ag dhow nidaamka Aala-Sucuud uu meeel kadhac ku sameeyey daatada Allaah Cazza Wajalla, isagoona la barbardhigay shakhsiyadda liidata ee boqorka Aala-Sucuud.


Qoraagan oo lagu magacaabo Ramadaan bin Jariidi ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Aljazeera ee kasoo baxa dhulka Xarameynka, wuxuu ciwaan uga dhigay, Boqor Salmaanow Alla maxaad tahay dulqaad badane, ciqaabtiisu darantahay, Shadiidul Ciqaab, isagoo kasoo iqtibaasay aayad quraan oo ku jirta suuratu Qaafir, taas oo uu Alle isku tilmaamayo inuu yahay mid ciqaabtiisu darantahay.

Saacado kadib markii maqaalka la baahiyay ayaa waxaa kacay dhalinyarada iyo dadweynaha isticmaala barta Twiterka, kuwaas oo weerar afka ah ku qaaday Qoraagan, kuna tilmaameen inuu yahay zindiiq dawarsada madaxda, dooneyana in lacago yar uu ku helo arinkan.


Qoraagan lagu magacaabo Ramadaan ayaa qoraalkiisa wuxuu amaan xad dhaaf ah ugu jeedinayaa waayeelka maamula dhulka Xarameynka Salmaan bin Cabdil Caziiz, isagoona ku amaanaya go’doonka uu kusoo rogay dalka Qadar.
Isbedel hor leh ayuu lugaha lasii galayaa dhulka Xarameynka, halkaas oo madaxda ka talisa ay bilaabeen iney ka tanaazulaan intii yareyd ee shacaa’irta islaamka eek u dambeysa dhulkas xurmada leh, waxaana isbedeladaas horboodaya Muxamed bin Salmaan oo dhawaan laga dhigay dhaxal sugaha koowaad ee maamulka Aala-Sucuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada