Taaladii Luis Suarez Looga Dhisay Magaalada Uu Ku Dhashay Ee Dalkiisa Urugay Oo La Dumiyay Iyo Fariin Qoraal Layaableh Oo Loogu Dul Qoray.

Taaladii Luis Suarez Looga Dhisay Magaalada Uu Ku Dhashay Ee Dalkiisa Urugay Oo La Dumiyay Iyo Fariin Qoraal Layaableh Oo Loogu Dul Qoray.

daajis.com:- Maanta oo sabti ahayd waxaa magaalada Salto ee dalka Uruguay lagu dumiyay taaladii Luis Suarez looga dhisay magaaladan uu ku dhashay iyada oo xidigan lagu sharfay waxqabadkii waayihiisa ciyaareed ee heerka kooxdeed iyo waliba waajibaadka xulka qarankiisa, laakiin in la riday oo dhulka lagu tuuray taalada Luis Sauarez ma aha wax layaableh basle in fariin qoraal ah looga dultagay ayaa noqotay mid indhaha caalamka soo jiidatay.

Luis Suarez ayaa markii taaladiisa la ridayay ku maqnaa dalka Argentina halkaas oo uu kaga qayb galay arooska saaxiibka ay isku dheer yihiin ee Lonel Messi kaas oo aroos ku ahaa isla magaalada uu isna ku dhashay.



Waxaa la sheegay in taalada Luis Suarez uu nin dumiyay kaas oo la sheegay in uu khamri cabsanaa basle fariinta uu ku qoray ayaa ah in uu Suarez ku maqan yahay arooska Messi oo uu soo laaban doono.

Fariinta lagu arkay goobta laga riday taaladii Luis Suarez ayaa lagu qoray: “Anigu waxaan joogay arooska Messi, si deg deg ah ayaan u soo laaban doonaa”. Ninkan ayaa la qabtay waxaana lagu qasbayaa in uu bixiyo dhamaan kharashka dib loogu dayac tiri doono taaladan.
Taalada Luis Suarez ayaa ku taala magaalada uu ku dhashay ee Salto iyada oo waliba ah goob suuq ah oo aad u camiran waxaana la dhisay July 26,2016 kii waxaana lagu sameeyay Luis Suarez oo xidhan maalyada xulka qarankiisa Uruguay iyo waliba lambarkiisa No.9.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada