Maxaa la gudboon DF kadib warbixintii QM ee ceebeysay xulufada Sacuudiga?

Maxaa la gudboon DF kadib warbixintii QM ee ceebeysay xulufada Sacuudiga?

daajis.com:- Baarayaasha QM ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay ka dambeeyeen weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday Soomaali saarneyd doon ku socotay xeebaha dalka Yemen, bishii march ee sanadkan.

Isbaheysigan oo dagaal kula jira Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ayaa beeniyey inay ka dambeeyeen weerarka, oo ay baarayaasha QM sheegeen in lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah, islamarkaana lagu dhaawacay 34 kale.

“Doontan ay saarnaayeen dadka shacabka waxaa lagu weeraray qori darandoori u dhaca oo ku xirnaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah” ayaa lagu yiri warbixin ka kooban 185 bog oo golaha ammaanka ee QM ay hordhigeen kormeerayaasha QM ee cunaqabateynta saaran Yemen.

Haddaba Waxaa is waydiin mudan maxaa la gudboon dowladda Federaalk Soomaaliya kadib warbixintii Qaramada Midoobay ee lagu sheegay inay Dowladda Sacuuciga ka dambeyso arirntaan.

Sida uu qabo shaciga caalamiga ah, dowladda Soomaaliya ayaa xaq u leh inay dowladda Sacuudiga ka dalbato raali gelin deg deg ah inay ka bixiso falkaas guracan ee lagu laayey muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay si deg deg ah dalka Sacuudiga uga dalbato inay magdhow ka bixiso dadkii la laayey oo gaarayo 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah.
Dowladda Sacuudiga iyo xulafadeeda ayaa inkiray inay arrintaan ka dambeeyaan, waxaana dacwad ka dhan ah arrintaas loo gudbiyey qaramada Midoobay oo ugu dambeyn ka dhawaajisay inay falkaas ka dambeeyaan xulafada Sacuudiga.

Waxaa laga war sugayaa jawaabta ay dowladda Soomaaliya ka bixiso warbixinta ay soo saartay qaramada midoobay ee lagu sheegay inay sacuudiga ka dambeyso falkaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada