Video: Baarlamanka Puntland oo u codeeyey heshiisyadii DP World iyo CCECC iyo natiijo…

Video: Baarlamanka Puntland oo u codeeyey heshiisyadii DP World iyo CCECC iyo natiijo…

daajis.com:- Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta oo Khamiis ah yeeshay Kal fadhigoodii 39-aad oo ay kaga doodeen heshiiskii Puntland ay la gashay Shirkadaha DP World iyo Shirkadda CCECC ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay heshiiskaasi oo uu barlamaanku maamul goboleedka Puntland horkeenay Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee maamulkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay Heshiisyada iyo qaabka loo ballaarinayo dekeda ayaa su’aalo ku aadan heshiisyada weeydiiyay sii hayaha xilka wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Macdanta.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 60 mudane ayaa 59 kamid ah u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha barlamaanka Puntland axmed Cali Xaashi.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sidoo kale isla maanta meel mariyay heshiis kale oo maamulka Puntland la galay shirkada CCECC ee laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku saabsanaa dhismaha wadada Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Puntland ayaa Shirkaddan CCECC mashaariicdaan bedelkeeda ruqsad u siisay inay heshiis shidaal baaris iyo macdanba ka sameeyso deegaanada Puntland.

Siciid Faarax Maxamuud oo ah agaasimaha hay’ada macdanta iyo shidaalka Puntland oo Baarlamaanka faah faahin ka siiyay heshiisyada Puntland ay la gashay shirkada  CCECC ayaa tilmaamay in heshiiskan uu kocbcinayo kaabayaasha dhaqaalaha isla markaana fursad uu u yahay bixinta deeynta dhismihii hore ay shirkadaan ugu sameeysay garoonka Boosaaso, lacagtaas oo gaareyso 12 milyan oo dollar.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada