MUUQAAL: Wasiirka Amniga Kenya oo Geeriyooday Iyo Baadhitaan ku socda Meydkiisa iyo Sida ay wax u dhaceen

MUUQAAL: Wasiirka Amniga Kenya oo Geeriyooday Iyo Baadhitaan ku socda Meydkiisa iyo Sida ay wax u dhaceen

daajis.com:- Warbaahinta dalka Kenya ayaa  Baahisay  inuu geeriyooday wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, waxaana  la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Karen Hospital ee magaalada Nairobi, waxa uuna
shalay ahaa mid caafimaad qabay oo ka qeybgalay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park.


Waxaa goordhow Meydka Wasiirka la geeyay Lee Funeral Home, waxaana halkaa lagula sameyn doonaa baaritaano lagu xaqiijinaayo sababta geeridiisa.

Wasiirka Geeriyooday ayaa maalmahaani ka caban jiray xanuun dhanka wadnaha ah, waxa uuna habeenimadii xalay uu Isbitaalka u aaday baaritaan guud, waxaase xigay geeridiisa.

Uhurro Kenyatta Madaxweynaha dalkaas ayaa sheegay in Wasiirka uu ahaa mid uu ku ogaa caafimaad, balse markii uu maqlay geeridiisa uu aad uga naxay.

Wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, ayaa lagu wadaa in Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Nairobi baaritaanka socda kadib, walow uu jiro shaki ku aadan geerida Wasiirka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada