Dahabshiil oo bangi ka furatay Kismaayo

Dahabshiil oo bangi ka furatay Kismaayo

daajis.com:- Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowlad goboleedka Jubaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Bangiga cusub ee shirkadda Dahabshiil kaa oo laga hirgeliyay Kismaayo.


Munaasibadda daahfurka ayaa lagu qabtay Hotel Aga nee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qeybgalay, madax ka tirsan Jubaland iyo masuuliyiin ka socotay ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Madaxa bangiga Dahabashiil ee Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya Mudane Cismaan Cali Xalane, isagoo sheegay in bangigu adeegyo muhiim ah kusoo kordhin doono deegaanada Jubaland, isagoo ugu baaqay bulshada reer Jubaland in ay kamid noqdaan macaamiisha bangiga.

Gudoomiyeyaasha gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo, masuuliyiintii ka socotay ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar kamid ah marti sharaftii ka hadashay goobta ayaa soo dhaweeyay bangiga, ayagoo sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka horumarka.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan oo ugu danbeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in arintan ay tahay mid kaalin weyn ka qaadan karta horumarka deegaanada Jubaland, waxa uuna mahadcelin u jeediyay masuuliyiinta shirkadda oo gartay in Kismaayo ay ka furaan xaruntan. Waxaana gabagabadii uu xariga ka jaray bangiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada